Waa maxay xilliyada la qaadanayo casharada?
▼
Waqtigu waa mid ku xidhan dookhaaga. Waxaanu bixinaa xilliyo kala duwan oo u dhexeeya 8:30 Subaxnimo ilaa 7:30 Habeennimo. Si gaar ah ayaana waqtiga loogala heshiin karaa xafiiska.
Macalimiintu ma yihiin kuwo khibrad leh?
▼
Haa, dhamaan macalimiintayadu waa aqoonyahanno leh shahaadooyin jaamacadeed iyo khibrad barbaarineed, macalimiinta Qur'aankuna waa xuffaadh aqoon durugsan u leh Diinta.
Ka warran haddii ubadku uu xanuunsado ama safro?
▼
Waxaanu si buuxda u tixgelinaa duruufaha qoyska. Ku soo wargeli xafiiska 12 saacadood ka hor si casharka dib loogu dhigo, iyadoo aan wax kharash ahi kugu dhicin.
Sidee ula macaamilaysaan ubadka dhibsada waxbarashada?
▼
Khubaradayadu waxay adeegsadaan cilmi-nafsiga carruurta. Waxaanu la samaynaa xidhiidh saaxiibtinnimo (Mentorship), anagoo fahamna baahidooda maskaxeed si waxbarashadu u noqdo mid ay iyagu xiiseeyaan oo ay raadiyaan.